Dowladda Galmudug ayaa Faah-faahin ka bixisay Dagaalkii ee dhexmaray Ciidamada Galmudug iyo Maamulka Puntland.
Afhayeenka Gobolka Mudug ee Dowladda Galmudug Axmed Xasan Faarax ayaa sheegay in Dagaalkii Shalay Maamulka Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland looga dilay 14 Askari islamarkaana looga Gubay Labo Gaari oo nuuca Dagaalka ah.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Galmudug ay Gacanta ku hayaan Maxaabiis laga qabtay Puntland oo Tiradooda aysan Cayimin,marka laga reebo Saddex kamid ah oo Afhayeenku sheegay inuu arkay,balse ay jiraan Maxaabiis kale.
Afhayeenka Gobolka Mudug ee Dowladda Galmudug Axmed Xasan Faarax ayaa sidoo kale sheegay in Dagaalka Shalay ay ku jireen oo ay Arkeen Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Dowlad Deegaanka Somalida Ethopia.
HALKAAN KA DHAGEYSO