Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo safar shaqo ku jooga Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar ayaa kulan la qaatay Madaxda Dalka Qadar.
Kulankan oo ka dhacay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar ayaa Labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen arrimo badan oo la xiriira Dalalka Soomaaliya iyo Qadar, iyo sidii labada dal loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya.
Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Dowladda Qadar ka codsaday in ay xoojiso taageerada xilligan ay siinayaan Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qadar ayaa ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya ku amaanay hormarinada iyo mashaariicda xilligan ka socda Dalka Soomaaliya.