Midowga Yurub ayaa sheegay inuu taageero u fidinayo Ciidanka dowladda Kenya ee Qeybta ka ah ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM kana howgalla gudaha dalka Soomaaliyeed.
Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku heli doonaan mushaarkooda ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliyeed , kuwaa soo dagaal culus kula jira Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa sheegay ku dhawaad 7 bilood in aysan mushaar qaadan ciidanka AMISOM , islamarkaana ay hada bixiyeen qeybo ka mid ah mushaarka loogu tala galay ciidanka AMISOM.
Midowga Yurub waxaa uu sigaara u xusay in ay garabtaagan yihiin ciidanka dowladda Kenya ee dagaalanka kula jira Al-Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa horay walaac xoogan uga muujisay dib u dhacyada ku yimaada mushaarka ciidankeeda ku sugan gudaha Soomaaliyeed.
Dhawaan dowladda Kenya waxa ay sheegtay in ciidankeeda ku sugan Soomaaliya qeybo ka mid ah ay heleen mushaarkooda loogu talagalay.
Warbixin ay horay u baahisay BBC-da ayaa lagu sheegay in ciidanka AMISOM ay niyad jab xoogan ay kala kulmaayaan soo daahida dhaqaalaha loogu talagalay in ay ku joogaan Soomaaliya.