DHACDO XANUUN BADAN:- Haweeneey isu sharaxday Aqalka Sare oo la kulantay Xarig iyo Jirdil

0

Haweeney isu soo sharaxday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku danbeysay xabsi iyadoo loo geystay jirdil lagana reebay tartanka.

Muumino Saciid Mursal waxay qisadeeda ka bilaabatay markii isu taagtay xilka xildhibaan ka tirssan Aqalka sare ee Koonfur Galbeed, waxaana tartanka kula jiray nin lagu magacaabo Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Gaab) oo uu watay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

muumina
Dhacdo xanuun badan ayaa qabsatay haweeneydan sida aan ka soo xiganay Luul-Caraweelo Kulmiye oo ah haweeney kale oo fadhigeedu yahay Oslo Norway, una dooda xuquuqda haweenka.

Muumino ayaa lagu dalbadya askar ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo jirdilay kadibna u geeyay Shariif Xasan oo ku amray inay ka tanaasusho kursiga ay u tartameyso, markii ay diidayna waxaa la dhigay xabsiga iyadoo lagu xiray saldhiga Afar-irdood ee Magaalada Baydhaba.

Maalintii doorashada ayaa goobta laga sheegay inay tartanka ka tanaasushay Muumino Siciid waxaana kursigii ku guuleystay ninkii la tartamayay, waxayna markii xabsiga laga sii daayay ka war heshay in doorashadii ay dhammaatay.

Arrintan waxay ka mid tahay qorshaha Shariif Xasan kula wareegay doorashadii maamulkiisa, isagoo soo sharxay xubno uu isagu wato oo aan lahayn wax khibrad ah, lagana waayay shaqsi qura oo lagu yaqaan siyaasadda degaanadaasi.