DAAWO SAWIRADA:- Degmada Afgooye Ka dib dagaalkii ka dhacay

0

Waxaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay deganeyd xaaladda Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib weerarkii ballaarnaa ay Shabaabku ku galeen Talaadadii.

Ciidan kala duwan oo Dowladda Somaliya ay u daabushay Degmadaasi, ayaa si wayn u xoojiyay ammaanka qaybaha kala duwan ee Afgooye.

Ciidamadii horey ugu sugnaa Degmadaasi, ayaa waxay Arbacadii dib u saldhigteen fariisimihii ay ku lahaayen halkaasi, ka hor intii aanay Shabaabku soo weerarin.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), ayaa Arbacadii sheegay in Ciidamada Dowladda Somaliya, ay ka hortaggeen in Shabaabku hal habeen ku howdaan Degmada Afgooye, iskaba daayee inay si toos ah ula wareegan.

Gudoomiyaha oo hadda ku sugan Degmadaasi, ayaa ammaanay Ciidamada Dowladda sida ay u xaqiijiyeen amniga guud ee xaafadaha Afgooye.

Suxufiyiinta degan Degmada Afgooye, ayaa soo sheegaya in markii ugu horeysay ay noqonayso inay Shabaabku maalin cad soo galaan, isla-markaana ay qabsadaan qaybo ka mid ah xaafadaha Degmadaasi, tan iyo markii si rasmi ah Afgooye looga saaray sanadkii 2012-ka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Somali soldiers patrol a street market following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar
Somali soldiers patrol a street market following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar

afgooye2-1 afgooye3 afgooye4 afgooye5

A Somali soldier patrols a street following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar
A Somali soldier patrols a street following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar

afgooye8

A Somali soldier patrols a street near a bridge following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar
A Somali soldier patrols a street near a bridge following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar
A Somali soldier walks past a damaged military base following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar
A Somali soldier walks past a damaged military base following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar
Somali soldiers patrol a street following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar
Somali soldiers patrol a street following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar