Baydhabo oo ah xarunta Gobalka Baay iyo xarunta kumeel gaarka ah mamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya waa magaalo isbeddel ka samaysey dhanka dhismayaasha, ganacsiga iyo xagga amniga.
Baydhabo waxay ka kooban tahay sida caadiga ah Afar xaafadood oo kala ah Howlwadaag, Bardaale, Horseed iyo Isha, xaafahadaas ayaa waxaa ka sii farcamay afar kale oo xaafadood waana sababta keentey iney sii balaarato Baydhabo.
Magaalada Baydhabo oo loogu yeero Baydhabo Janaay waxaa kaloo ku yaala beero wax soo saar leh kuwaasoo khudaarka ka soo go’daa loo iib keeno suuqyada magaalada.
Afartii sano ee la soo dhaafay magaalada waxay sameysay is bedel aad u weyn, waxaa ku soo kordhay dhismayaal kala duwan, iyadoo qurba joog Soomaaliyeed oo dib ugu laabtay magaaladaas ay ka hirgeliyaan ganacsiyo kala duwan, sida hotelo, maqaayado iyo carwooyin.
Baydhabo sannooyinkii dambe waxay samaysey horumar muuqda, dadka ku noolna waxay u diyaarsan yihiin wax soo saarkooda inay u iib geeyaan suuqyada kala ee dalka.
Hoos ka Saawirada:-
Sawiradaan Waxaa qaaday Wariye Cali Ducaale