TOP NEWS:- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Maanta la kulmaya Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

0

Madaxweynaha Maamulka Cusub ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo Xalay ku Hoyday Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta la filayaa inuu Kulan la qaato Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn uga soo horjeeday Dhismaha Maamulka Hirashabeelle.

Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Duubabka dhaqanka ee ku Fekerka ah kala hadli doona sidii Maamulka Hirshabeelle uu Ugaasku u Taageeri lahaa islamarkaana Dhismihiisa uu uga qeyb qaadan lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali C/llaahi Cosoble ayaa Xalay Kulan Baledweyne kula qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada ee ka kala socda Soomaalida iyo AMISOM.

Kulanka ayaa looga hadlayay Xoojinta Nabad Galyada Gobolka iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.