Howlgalka ka xoreynta kooxda Daacish ee Magaalada Mosul oo in mudda ahba la wada sugayey ayaa hada ka bilowday nawaaxiga magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraq ee Mosul.
Dagaalka dib u qabsashada Mosul, ayaa waxaa ka qeybgalaya ciidamo ka kala socda Mareykanka, Dowlada Ciraq, xoogaga Kurdishka Ciraq iyo maleeshiyo beel ka kala socda Shiicada iyo Sunniyiinta Ciraq.
Afhayeen u hadlay waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka Capt. Jeff Davis ayaa Talaadadii u sheegay wariyaasha in dagaalka ay qeyb ka yihiin ilaa iyo 100 askari oo Mareykanka ka socda. Doorka ciidanka Mareykanka ayuu ku sheegay kaliyah in ay caawin doonaan 18-kun oo ka tirsan milatariga Ciraq iyo 10- kun oo ka mid ah xoogaga Kurdiyiinta Ciraq ee loo yaqaano Peshmarga.
Hoos ka Daawo Muuqaalka:-