Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arima dhowr ah oo qayb ka tahay Hadal dhawaan ka soo baxay Maamulka Puntland kaas oo ahaa in Gaalkacyo ay noqoto Saylad lagu kala wareejiyo xoolaha iyo Badeecooyinka ka imaanaya dekada Boosaaso iyo sidoo kale Konfurta soomaaliya.
Maxamed Xasan xaad ayaa sheegay in xayiraad lagu soo rogay gaadiid kala duwan oo u socday Galmudug iyo Gobolada dhexe ee dalka waxa uuna intaa raaciyay in arinkaasi uu yahay Fidno cusub in la abuuro.
Waxa uuna sheegay in ganacsi uusan kala xirneen taasina ay sabab u tahay in dagaal halkaasi uu ka dhasho.
HALKAAN KA DHAGEYSO