Wasiirka dakadaha iyo gadiidka badda Galmudug Burhaan Warsame Cigaal kana mid ah gudiga Galmudug ay u xilsaartay daminta colaada Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulka puntland uu bilaabay iibsiga dhulka danta guud ee ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo halkaasi oo horay si xoog ah looga barakiciyay shacabkii mudda ku noolaaa.
Burhaan ayaa sheegay in sababta loo iibinayo hantida guud ee qaranka ay tahay sida uu hadalka u dhigay in lagu huriyo colaada ka jirta magalada Gaalkacyo una dhaxeysay labada maamul.
Ugu dambeyntii wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada puntland saakay weerar ay ku soo qaaden ciidamada Galmudug balse ay la kulmeen iska cabin xoogan ,wuxuuna intaasi ku daray in maamulka puntland uusan diyaar u aheyn nabada Gaalkacyo.
HALKAAN KA DHAGEYSO