TOOS ULA SOCO:- Maxaa ka cusub Saaka Xaalada Gaalkacyo ?

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, kadib markii shalay Magaalada laga maqlayay Rasaas goos goos ah.

Wariyaha ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in xaaladu saakay ay tahay mid degan, maadaama la arkayo dad tiro yar oo xaafadaha qaar ee Magaalada Gaalkacyo dhex socda.

Waxgaradka Puntland iyo Galmudug ayaa sameynaya wada hadalo lagu heshiisiinayo labada dhinac, si looga fakaro shacabka ku nool Gaalkacyo oo dhibaatooyin badan horey u soo arkay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dhowaan waxaa ku dagaalamay Maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo ka kala arimiya Galbeedka iyo Koonfurta Magaalada, waxaana Dagaaladaasi ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.