TOOS U DHAGEYSO:- War Murugo badan oo laga soo sheegayo Degmada Qansax-dheere

0

Degmada Qansax-dheere oo ka mid ah Degmooyinka ay go’doomiyeen ururka Al-shabaab ayaa maalmahan waxaa ka taagan xaalado nolol xumo ah.

Degmada Qansax-dheere ayaa mudo sanado ah shacabkeeda waxa aysan helin waxbarasho ku filan, Baaritaano caafimaad iyo waxyaabo kale oo la xiriira nolol maal meedkooda.

Gudoomiyaha Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay Isaaq Cabid Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu ka hadlay dhaibaatooyinka dhanka nolosha ah ee ka jira Degmadaasi.

Isaaq Cabid Maxamuud Gudoomiyaha Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa dhanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan shacabka ku dhaqan Degmadaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO