Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay joogaan duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa la keenay dhaawacyo sidoo kale Meydad laga soo qaaday degmada Afgooye oo shalay gelinkii dambe ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Afgooye geysay ciidamo kala duwan oo la qaaday magaalada Muqdisho , si aysan mar dambe Al-Shabaab dib ugu qabsan degmada Afgooye.
Sidoo kale degmada Afgooye ayaa waxaa ka socda howgallo ay wadaan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Xaalada ayaa maanta degan waxaana dadka kunool degmada Afgooye ay ka cabsi qabaan in markale ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadaan degmada Afgooye.
Hoos ka Dhageyso Codka:-