WAR DEG DEG:- Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye iyo Al-Shabaab oo la wareegay Guud ahaan Magaalada

0

War goor dhaweyd aan ka helnay Degmada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidanka K/Galbeed Soomaaliya ay Dagaal culus la galeen Ciidanka Al Shabaab.

Qarax ismiidaamin Gaari loo Adeegsaday ayaa lasoo sheegayaa in Lala Eegtay Fariisin Buundada Afgooye Ciidankaasi kusugnaayeen.

Wariye kusugan Afgooye ayaa inoo Xaqiijiyey in Magaalada Inteeda Badan ay Al Shabaab la wareegeen Xaaladuna Tahay mid Cakiran.

Rasaas Xoogan ayaa ka dhaceysa Gudaha Degmada Afgooye waxaaa istaagay isku socodkii dadka iyo Ganacsiga Degmadaasi.