TOP NEWS:- Xal u helida Dagaalada Gaalkacyo oo la isku fahmi la’ yahay

0

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku fahmi la’ xal u helida Dagaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Inkastoo xaalada Magaalada Gaalkacyo ay degan tahay ayaa hadana wararka inaga soo gaaraya Magaaladaas waxa ay sheegayaan in lagu kala tagay wada hadalo u dhaxeeyay Labo Guddi oo heer wasiiro ah, kuwaas oo ka kala socday dhinacyada Puntland iyo Galmudug.

Laba dhinac ayaa warbaahinta si gaar gaar ah ugu sheegay in uu joogsaday wada hadalka, iyadoo dhinacba dhinaca kale uu ku eedeeyay sababta ay u joogsadeen wada hadalada socday.

Dagaalada ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray dad riyad ah oo deganaa Magaalada Gaalkacyo.