Ururka Alshabaab ayaa Si Buuxda ula Wareegay Gacan ku Haynta Magaalada Afgooye oo Qiyaastii 30KM ujirta Caasimadda Somali ee Muqdisho.
Alshabaab ayaa Magaalada Waxay Maanta ku qaadeen Weerar Xoogan oo ku Bilaabaya Qaraxyo laga soo Buuxiyay Gawaari iyo Hub aad Uculus, iyadoona Weerarkaasi uu Umuuqanayay inuu ahaa Mid alshabaab ay kasoo shaqeenayeen Muddo Badan.
Dagaal Muddo socday ayaa Kooxda Waxaa usuura Gashay inay la wareegaan Gacan ku Haynta Magaalada iyagoona Qabsaday Saldhiga iyo Xarumaha Dowladda ee Degmadaasi.
Kooxda ayaa la xaqiijiyay in ay si Toos ah gacanta ugu Dhigeen Degmadaasi, Waxaana Dagaalkii dhacay la xaqiijiyay in ay ka Dhinteen Saraakiil SarSare oo katirsan Ciidanka Dowladda Somalia.
Sidoo Kale Dadka ku geeriyooday Weerarka waxaa ka Mid ahaa Isu Duwihii Wasaaradda Maaliyadda ee DFS uqaabilsanaa Gobolka Shabeelaha Hoose.
Hadaba Siday Wax udhaceen waxaa inooga waramay Gudoomiyaha Degmada Afgooye C/Naasir Macali Ibraahim.