WAR DEG DEG:- Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo la Doortay

0

Waxa hadda soo dhamaaday Tirinta Codadka Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, oo ay ku tartamayeen Musharaxiinta kala ah, Cali Cabdullahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare.

Waxana Musharaxiinta ay u kala guuleysteen Sidan:-

  1. Cali Cabdullahi Cosoble 61 Cod
  2. Maxamed Cabdi Waare 36

Musharax Cali Cabdullahi Cosoble ayaa helay Codadka ugu badan isagoona noqday Madaxweynaha Maamulka Cusub ee Hirshabeelle.

Guddiga Doorashada ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqay Natiijada iyagoona sheegay in Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku guuleystay Cali Cabdullahi Cosoble.