Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Waxaa lagu Wadaa inuu Maalinta berito ah ku dhawaaqo inuu yahay Musharax u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016.
Wararka ayaa sheegaya in Beri uu Magaalada Baydhabo uga dhawaaqayo Madaxweyne Shariif inuu yahay Musharax u taaqan Qabashada Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya Doorashada la filayo in ay dhacdo Bisha November ee Sanadkaan.
Lama Oga sida uu isku Waafajin doono Xilka Madaxweynaha Koofur galbeed ee uu hadda hayo iyo Musharaxnimada Xilka Madaxweyne.