Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Jowhar lagu doorto Madaxweynaha cusub ee uu yeelanaayo maamulka Hirshabeelle oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Jowhar.
Maanta xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa dooran doona madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.
Waxaa Magaalada Jowhar ku sugan Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa saaka si weyn loo adkeeyay waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-