DHAGEYSO WAREYSI:- Al-Shabaab oo Gabdho walaala ah ku dilay Degmada Qoryooley

0

Ururka Al Shabaab ayaa laba gabdho oo walaala ahaa ku dilay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii ay xalay madaafiic ku weerareen Degmadaasi.

Hablahan oo dhinaca hooyada ka walaal ahaa, ayaa ku dhintay hal qol, markii madfac uu ugu soo dhacay, iyadoona uu ku dhaawacmay canug yar oo ay dhashay mid ka mid ah gabdhahaasi.

Gabadha dhashay canuga dhaawaca ah, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Khadiija C/laahi Nuur, halka midda kalana oo sagaal jir ahayd la oran jiran Madiina Cismaan Cumar.

Xaawa Aadan Cismaan oo ah hooyada dhashay hablahan, ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah madaafiicdii lagu soo weeraray Degmadaasi, ay ku dhinteen hablaheeda.

Hooyo Xaawa Aadan Cismaan, ayaa sheegtay in Khadiija ay laheyd uur afar bilood ah, canuga ay ifka kaga tagteyna uu lix bilood uun jiro.

Hooyadan oo la hadashay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa tilmaamtay in Khadiija lagu qabay Magaalada Muqdisho, booqashana ay ugu timid maalintii Talaadada.

Shabaabka oo Degmada Qoryooley laga eryay bishii March ee sanadkii 2014-ka, ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ka dhanka ah Degmadaasi.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-