Waxaa Dalka Masar lagu soo gabagabeeyay Shir loogu hadlaayay sidii Haweenka Afrika door Muuqato loogu siin lahaa Siyaasada Dowladdaha Afrika.
Waxaa sidoo kale Shirkaasi loogu hadlay sidii Haweenka Afrika ay u noqon lahaayeen Hogaamiyaal Aqoon leh oo ka soo dhex muuqda Siyaasada Dowladdaha Afrika.
Haweenkii Shirka ka hadlay ayaa sheegay in ay Muhiim tahay in meel loogu soo Wada jeesto ilaalinta Xuquuqda Haweenka Afrika.
Haweenkii Shirka ka hadlay ayaa sidoo kale soo bandhigay Caqabadaha ay kala kulmaan marka ay raadinaya xilalka iyo iney ka qeyb galaan Siyaasadda Dowladda Cusub.
Hoos ka Dhageyso Codadka Haweenka ka hadlaya Shirka:-