DHAGEYSO:- Maamulka Koofur Galbeed oo war ka soo saartay weerarada Al-Shabaab

0

Wasiirka Dhaqan celinta iyo Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen (Eelaay) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Maamulkooda uu ka go’an yahay ka hortaga weerarada Shabaab mararka qaar ay ka fuliyaan Magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay Magaalada Baydhabo in ay ka dhacayaan Doorashooyinka Aqalka Sare iyo waliba Aqalka Hoose, loona baahan yahay in Amaanka si aad ah loo adkeeyo.

Xasan Maxamed Xuseen (Eelaay) Wasiirka Dhaqan celinta iyo Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amaanka si looga hortago weerarada Shabaab.

Al-shabaab ayaa weli ku sugan qeybo ka mid ah Gobolada Baay iyo Bakool, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu bixinayaa dadaalo ku aadan sidii Shabaab looga saari lahaa Deegaanada Koonfur Galbeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-