DHAGEYSO:- Magacyada Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle

0

Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Jowhar lagu dhageysto khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u taagan Qabashada Madaxweynaha cusub ee uu yeelanaayo maamulka Hirshabeelle oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Jowhar.

Maanta xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa Dhageysan doono khudbadaha Musharaxiinta u taagan madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa saaka si weyn loo adkeeyay waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Cali Cabdulaahi Cosoble

Cali Maxamed Cararaale

Maxamed Cabdi Waare

Saddexdaan mudane waxa ay kasoo jeedaan gobolka Hiiraan

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne ku xigeenka  maamulka Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe Xuseen iyo Cali Taakoow Xuseen .

Labada waxa ay kasoo jeedaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hoos ka Dhageyso Codka:-