WAR DEG DEG AH:- Ciidamo ka tirsan Puntland oo gaaray Waqooyiga Gaalkacyo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen cutubyo ka tirsan ciidanka maamulka Puntland oo kasoo baxay Magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Punland.

Ciidanka Gaaray waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha guud ee ciidanka maamulka Puntland Jen, Siciid Maxamed Xirsi.

Ciidankaan gaaray Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya xilli dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug uu ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay maanta tahay mid aad u xun , waxaana xalay magaalada ka baxay dadkii ugu dambeeyay  shacabka ahaa  kuna sugnaa labada dhinac oo ay  ka kala taliyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in  ay isku dhacaan.

Odayaasha Dhaqanka ee ka soo kala jeeda Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, ayaa markale isu taagay nabadda Magaalada Gaalkacyo, iyagoona baaqyo u jeedinaya Maamulada Galmudug iyo Puntland.

la soco Wixii soo kordha…