DHAGEYSO:- Cumar C/Rashiid “ C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/weli Gaas waa in aysan Shacabka Gaalkacyo Colaad kale ka dhex abuurin, waa in ay Nabada ka shaqeeyaan”..

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan dhameynta Colaada u dhaxeysa Maamulada Putland iyo Galmudug ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale wada nabadeynta iyo Xasiloonida Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan goobaha ay dagaalada ka soconaya.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa shegay in Madaxda Maamulada Puntland iyo Puntland loogu baahan yahay in ay ilaaliyaan Heshiiskii ay horay u wada saxiixdeen.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Puntland iyo Galmudug laga doonayo iney meel ugu soo wada jeestaan nabadeynta Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay in mar kale aan shacabka Gaalkacyo lagu kor dagaalamin isla markaana si wadajir ah loogu wada shaqeeyo horarintooda shacabka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-