Ilhaan Omar oo ah gabar Soomaaliyeed oo Musharaxa Xisbiga Dimuqradiga ugu soo baxay tartankii Aqalka Hoose ee Baarlamanka gobolka Minnesota, isla markaana u taagan dhamaystirka doorashada ama wareegii labaad ee doorashada oo dhacaysa Bisha November ee sanadkan 2016 ayaa waxa ay soo gaarta magaalada Columbus Ohio.
Ujeedada Socdaalka Ilhan waxa uu salka ku hayaa sidii ay dhiirogalin u siin lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha iyo Kuliyadaha gobolka Ohio, iyada oo ku boorinaysa in ay horey u socdaan isla markaana ay ka dhabeeyaan riyadooda iyo mustaqbalkooda.
Kulankan ay kula hadlaysay dhalinyarada waxaa soo buux dhaafiyay dadweyne kala gadisan oo ku faraxsan imaatinka Ilhan Omar ee Ohio iyo Ahmiyada kulankan ay kula hadlaysay dhalinyarada uu u leeyahay iyaga.
Waxa ay ka sheekaysay marxaladihii kala duwanaa ee ay nolosheeda soo martay iyo xaaladihii is bad badalka badnaa ee xiligii ay ku jirtay doorashadii lagu kala reebayay musharaxiinta aqalka Hoose ee xisbiga Dimuqradiga. kaas oo ay iyadu ku soo baxday.
Ilhan waxa ay ugu yeertay waalidiinta Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan ubadkooda oo aysan ka dhigin kuwa iska kora un.
Soomaalida Mareykanka ayay ku tilmaantay kuwo u bisil waxqabad ku qotoma isbadal iyo in ay yihin dad dhaqanka ku adag.
Waxay amaantay una Mahadcelisay dhalinyaro badna oo uu ku jiro hami isbadal oo ay ku soo galayaan siyaasada dalkan.
Waxaa la weydiiyay Su’aalo dhoowr ah oo qaarkood ay ka jawaabtay qaarna ay ka gaabsatay waxa ay ilhan ugu danbayn ka codsadatay dadkii meesha fadhiyay in ay .
Dhalinyaro badan ayaa balan qaaday in ay garabsiinayaan Ilahan isla markaana ka qeyb qaadanayaan ololaha doorashadeeda soo socota dhanwalba.
Waxay booqandoonta dhoowr gobol oo ay Soomaali badna ku noolyihiin.
Deeqo Shire (SONNA)
Deeqosonna@gmail.com