Ciidamada Sirdoonka Koonfur Galbeed, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen nin ka tirsan Ururka Al Shabaab, ka dib markii ay hawlgal qorsheysan ku galeen hoyga uu ka degan yahay Magaalada Baydhabo.
Ciidamada, ayaa Jimcihii isu gadaamay hoyga ninkaasi oo ku yaala xaafadda Berdaale, ka hor intii aanay gudaha u gelin, waxayna si nabdoon gacanta ugu soo dhigeen ninkaasi iyo qaraxyo ay ka helayn hoygiisa.
Ciidamada Nabad Suggida, ayaa waxay ninkaasi u kaxeeyen mid ka mid ah xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo, halkaasoo ay su’aalo ku weydiinayan Saraakiisha Nabad Suggida, kuwooda u tababaran baaritaanada.
Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqan-celinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), qaybtooda Koonfur Galbeed ku ammaanay tallaabada ay ku soo qabteen ninkaasi.
Wasiirka, ayaa tilmaamay in ninkaasi uu Magaalada Baydhabo ku dhex watay mooto bajaaj ay Shabaabku u iibiyeen, si hubka iyo qaraxyada uu isugu kala gudbiyo gudaha magaaladaasi.
Wasiirka, ayaa intaa ku daray in ninkaasi uu Saraakiisha Nabad Suggida u sheegay in uu ka qayb qaatay qaraxyo, ay mintidiinta Shabaabku ka gaysteen Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.
Xasan Eelaay, ayaa hoosta ka xariiqay in ninkaasi loo soo bandhigi doono Saxaafadda, kolka ay baaritaanada soo afjaraan Saraakiisha Nabad Suggida.
Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ninkaasi uu u sheegay rag kaloo Shabaabka ka tirsan, oo ay wada shaqaynayeen.
Taliyaha, ayaa ku waramaaya in Ciidamada Nabad Suggida ay wadaan hawlgalo ay ku baadigoobayan xubnaha ka tirsan Shabaab, oo isu deyaaya buu yiri inay ka baxsadaan gacanta sharciga, balse ay ku dadaali doonaan, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayen.
Hoos ka Daawo Sawirada:-