Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa qaar kamid ah waxgaradku ay kulan ka yeesheen waxaa ay uga wadda hadleen xoojinta nabad galyada magaalada.
Labo Beelood oo wadda dega magaalada Gaalkacyo ayaa shir gooni ah oo looga hadlayo xoojinta amniga Gaalkacyo iyo heshiisyada ay la galayaan dawlada federalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ee dhanka amniga ah.
Beelaha Laylkase iyo reer Mahad ayaa kulan looga hadlayo xoojinta amniga Gaalkacyo iyo xaafada Garsoor kulan looga hadlayey oo ay ku yeesheen Gaalkacyo waxay kasoo saareen 3 Qodob.
1:- In aan wax gorgortan ah laga galin Galbeedka Gaalkacyo.
2:- Inaan Beelaha Leelkase iyo reer Mahad aqbalin wax nabad ah oo sharuud ku xiran tahay.
3:- Hadii lagu heshiinayo Arrinaha Gaalkacyo uuna dhex dhexaadinayso Dawladda Soomaaliya inaan la aqbali wax ka sokeeya Xaduuda Qabiilka ee 1933 taas oo gumaystihii wadanka ka talin jiray uu dhigay.
Hoos ka Daawo Sawirada:-