TOOS ULA SOCO:- Barakac xoogan oo ka socda Xaafado ka mid ah Gaalkacyo

0

Dadka rayidka ah ee ku nool Koofurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo ayaa Bilaabay in ay Magaalada ka Qaxaan,waxaana laga Barakacay Xaafado hor leh.

Ma jirto wax Wada hadal ah oo Puntland iyo Galmudug ay ka leeyihiin Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ka socda, marka laga reebo in Warbaahinta Hadalo Kul kulul la isku mariyo.

Dadka Magaalada ku nool ayaa sheegay in Madaafiicdii Shalay la isla dhacay aan weligeed Labada Dhinac isku Adeegsan,iyadoo Dadka Maatida ah uu Khasaaraha ugu badan dagaalka ka soo gaarayo.

Waxaa Saaka Degen Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo Shalay uu ka dhacay Dagaal la isku Adeegsaday Hubka Culus islamarkaana Sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

Inta la og yahay Dagaalkii Shalay ayaa waxaa ku dhintay illaa 10 Ruux oo u Badan Dad Rayid ah oo Madaafiicdu ay ku Habsatay.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa isku hor fadhiya Goobihii lagu dagaalamay,iyadoo aysan jirin Wax Ganacsi ah oo Maalmahaan ka jiray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.