Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii Xooganaa Ee Shalay ka dhacay Deegaanka Godinlabe Ee Hoostaga Degmada Cadaado.
Dagaalkaasi ayaa waxyeelo dhabar jab ah Ahlusuna Waljamaaca ay kala kulantay sida ay sheegayaan ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.
Saraakiisha Ahlusuna Waljamaaca Ee Gobollada Dhexe ayaa Qaarkood waxay sheegeen in Madaxweyne Kuxigeenka Ahlusuna Sheekh Saadaq Yuusuf Direed in Dagaalkii Shalay ku dhaawacmay.
Ahlusuna si faah faahsan ugama aysan Hadlin Arintaasi balse waxay xaqiijiyeen in dhaawac uu soo gaaray Mas’uulkaasi oo ka mid ah Madaxda Ahlusunada Dhuuso mareeb.
Dhaawaca Sargaalkaasi waxa uu kusoo beegmayaa xilli isna la sheegay in Dagaalkii Shalay Ahlusuna ku weysay taliyihii Amniga Dhuuso Mareeb Axmed Odawaa oo loo aqoon jiray Axmed Dheere Dagaalkana ku dhintay.