Ciidanka Ahlusuna Waljamaaca iyo Kuwa Galmudug ayaa isku fara saaray Shalay Waqtiyo kala duwan Deegaanka Godinlabe kuwaasi oo dagaal Culus dhexmaray Rasaas Kala duwana la is weydaarsaday.
Dagaalkaasi ayaa khasaaro kala duwan uu kasoo gaaray dhinacyadii Dagaalamay balse waxaa Xaaladu ay noqotay Xalay Maqribkii kadib mid yara deggan.
Saaka Waxaa Godinlabe ka socota Diyaar garoow iyo Is xulufeysi ay Sameenayaan Ciidanka Galmudug Ee Halkaasi qabsaday Shalay gelinkii dambe.
Ciidan kale oo Ahlusuna Ka Socda ayaa Xalay Fiidkii Gurmad ahaan uga soo ambabaxay Dhuuso mareeb taasi oo laga cabsi qabo inay mar kale dagaalamaan Ahlusuna iyo Galmudug.
Isku socodka Dadka,Ganacsiga iyo Waxbarashada ayaana Hakad ku Jira Maadama Shalay iyadoo La fileyn Dagaal Shacabka hal mar ka dul shanqartay Rasaasta kala duwan.