Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Dagaalka oo Illaa Saakay ahaa mid labada dhinac ay Rasaas isku tuur tuurayaan ayaa markii Dambe Labada Dhinac ay isku adeegsadeen Madaafiicda Culculius.
Waxaa jira Dad rayid ah oo Madaafiicdu ay ugu tageen Xaafadahooda, kuwaas oo uu soo gaaray Dhaawacyo kala duwan.
Isbitaalka Koofurta Gaalkacyo ayaa naloo xaqiijiyay in la geeyay ku dhawaad 10 Ruux oo Rayid ah,kuwaas oo ku dhaawacmay Madaafiicda.
Sidoo kale Isbitaalka Waqooyiga Gaalkacyo ayaa iyana la dhigay Dad Rayid ah oo Duqeynta ku dhaawacmay,inkastoo aan tiradooda la sheegin.
Dhanka kale Weli lama Oga Khasaaraha soo kala gaaray Ciidamada Labada Maamul ee Galbeedka Magaalada ku dagaalamaya.
Maamulada Galmudug iyo Puntland weli ma jirto wax war ah oo ka soo baxaya kuna aadan in Dagaalka la joojiyo islamarkaana aan Maatida lagu dul dagaalamin.
Sidoo kale waxaa jira Barakac ay sameynayaan Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.