Qudbado laga dhageystay Musharaxiinta u taagan Hogaanka Baarlamaanka M/Hirshabeelle

0

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Dhexe oo uu ka socdo shirka dhismaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa Caawa lagu qabtay kulan ay mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulkaasi ku Dhageysanayeen Qudbado ay jeedinayeen Musharixiinta u taagan Qabashada Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Waxaa u taagan Sadax Musharax oo lagu kala Magacaabo:-

Abuukar Xasan

Sh Cismaan Barre

Cali Cabdulle Isgoow

Ku xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Hirshabeelle Waxaa u taagan Hal Musharax oo lagu Magacaabo Cabdi Xuseen Geedi, halka ku xigeenka labaadna ay isku soo Sharaxday Marwo Canab Axmed Ciise.

Mudaneyaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa mid mid u dhageystay Qudbadaha ay jeediyeen Musharixiinta, maalinta barito ayaana la filayaan in mudanayaashu ay doortaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.