Kenya iyo Ingiriiska oo iskugu heysta Muwaadin Al-Shabaab looga shakiyay

0

Dowladda Ingiriiska ayaa Kenya ugu baaqday in ay faah faahin buuxda ka bixiso Muwaadin Dalkeeda u dhashay oo maalin ka hor lagu qabtay Guri ku yaalla xaafada Gigiri ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay xafiiska Arrimaha Dibadda ee Dalka Britain ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan warbixin ka soo siiyaan xaalada Muwaadinka Britishka ee maalin ka hor lagu xiray Magaalladda Nairobi.

Muwaadinka Britishka ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Tom James oo 30 sano jir ah, waxaana xilligii la qabanayay la socday Yaasmiin Sheekh iyo Zamzam Xuseen oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Dalka Kenya ayaa Dhalinyaradan ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Shabaab, sidoo kalena ay u qorayeen Dhalinyarada Kenyanka ah, Tababarna ay siinayeen.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay heleen Buugaag ay ku bixinayeen casharada ku saabsan Tababarka iyo agab kale.