Galmudug oo sheegtay in Dib u dhac uu Ku Yimid Doorashada Xubnaha Aqalka Sare

0

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu waday in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka dhacdo doorashada xubnaha u tartamaya aqalka sare gaar ahaan qeybta Galmudug, hase ahaatee waxaa lasoo sheegayaa in dib u dhac ay ku timid doorashadaasi.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa u sheegay Warbaahinta in maanta ay dib uga dhacday doorashada, sababtana illaa iyo haatan lama soo sheegin.

Xubnaha u tartamaya aqalka sare ayaa shalay khudbado kahor jeediyey xilidhibaannada baarlamaanka Galmudug, qorshahana maanta ayuu ahaa iney doorashada dhacdo, balse dib ayeey u dhacday.