Afhayeenka Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Cabdinuur Maxamed Xuseen oo Caawa wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa ka warbixiyay Dagaal Shalay ilaa Xalay Deegaanka Godinlabe ku dhexmaray Ciidankooda iyo kuwa Ahlusunna waljamaaca.
Afhayeenka ayaa sheegay in Dagaalka uu biloowday sida uu hadalka u yiri kadib markii Ciidanka Dowladda Somaliya (NISA iyo 21aad) oo ka
yimid Cadaado ay weerar kusoo Qaadeen Deegaanadooda.
Waxa uu beeniyay in Dagaalka Ahlusunna looga dilay Sargaal sare oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka ee Maamulkaasi, isagoona sheegay in
khsaaraha Dhankooda uu kooban yahay.
Waxa uu dhanka kale sheegay in hadda Godinlabe ay iyaga gacanta ku hayaan isla markaana Ciidanooda ay joogaan meel Kafog Godinlabe una
dhaw Cadaado sida uu hadallka u yiri.
Dhanka kale Galmudug iyana sidaasi oo kale waxay guulo ka sheegatay Dagaaladii ka dhacay Godinlabe.
Majiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada labada Dhinaca iyo Xaaladda Rasmiga ee hadda ka jirta Godinlabe.