Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay saakay tahay mid kacsan waxaana magaalada Gaalkacyo lagu arkaaya ciidamo aad u farabadan oo ay soo dhoobeen maamulada Puntland iyo Galmudug.
Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.
Waxgaradka iyo Culimada gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan ku yeeshaan Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Hoos ka Dhageyso Wararkii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo:-