Xiisad Colaadeed oo weli ka taagan Deegaanka Godinlabe

0

Waxaa Xaalad Kacsanaan ah ay ka jirtaa Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud oo Maanta ay ku dagaalameen Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug iyo Ciidamada Maamulka Ahlusunna.

Magaalada Godinlabe ayaa waxaa hadda ku sug Ciidamada Ahlusunna iyo Maleeshiyadii Degaanka ee Sababta u ahaa inuu dhaco Dagaalka Ahlusunna ay ku qabsatay Degaanka Godinlabe.

Sidoo kale Maamulka Galmudug ayaa Ciidamo aad u badan soo dhoobay Duleedka Magaalada Godinlabe.

Dhanka kale Ciidamo badan oo ka baxay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay gaareen Degaanka Godinlabe.

Dagaalkii Maanta ka dhacay deegaanka Godinlabe waxaa ku dhintay Illaa Saddex Qof.iyadoo ay ku dhaawacmeen illaa Toban kale.

Waxaa Magaalada ka jirta Cabsi ah inuu Dagaal ka Qarxo mar kale Degaanka Godinlabe oo Maanta Gacanta u galay Ahlusunna.