WAR DEG DEG AH:- Afar Askari Oo Kasoo Jeeday Caabudwaaq Iyo Balanballe Oo Ku Geriyooday Dagaalka Godinlabe.

0

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in caawa magaalada Cadaado al keenay maydka afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Galmudug kuwaas sida wararka nagu soo gaarayaan kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Balanballe.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in askartan caawa maydkooda lasoo gaarsiiyay Cadaado ay ku geeriyoodeen dagaalkii dambe ee ka dhacay deegaanka Godinlabe oo 25 KM u jirta magaalada Cadaado.

Afarta askari ayaa waxaa la sheegayaa in mid uu kasoo jeeday magaalada Caabudwaaq halka sadexda kalena ay kasoo jeedaan magaalada Balanballe ee gobolka Galguduud.

Askartan ayaa waxa ay kamid ahaayeen askartii Galmudug ee galay dagaalkii galinka dambe maanta ka dhacay deegaanka Godinlabe ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusunna.

Ilaa hadda Majiraan wax war ah oo kasoo baxaya saraakiisha askarta geeriyootay kasoo kaxeysay deegaanadooda amaba galisay dagaalkan, sidoo kale waxaan la ogeyn inay jiraan dhimasho iyo dhawac kale.

Dhinaca kale waxaan la shaacin amaba la ogeyn ilaa hadda dhanka Ahlusunna askarta kasoo jeeda Waqooyiga Galguduud ee ku geeriyootay dagaalka Godinlabe ee ay la galeen Galmudug, waloow la filayo tiro intaas le’eg ama ka badan inay ku naf waayeen ama ku dhaawacmeen.

Isku soo wada duuboo maanta ayay ahayd markii maamulka Puntland soo bandhigtay ciidamo kasoo goostay Galmudug isuna dhiibay maamulka Puntland kuwaasoo sheegtay inay kasoo kala jeedeen Caabudwaaq iyo Balanballe, waa nasiib daro in wiilasha kasoo jeeda Waqooyiga gobolka Galguduud inta askar la dhigto in xabada Galmudug ay isaga dhigto cid walboo soo weerarta.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media