Wararka naga soo gaaraya deegaanka Godinlabe ee oo ku dhow Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in maanta ciidanka maamulka Galmudug ay weerar ku qaadeen Maleeshiyaad isbaarooyin dhigtay deegaanka Godinlabe oo dhibaato ku hayay bulshada kunool deegaankaasi.
Dagaal ayaa ah mid xoogan waxaana uu ka socdaa duleedka deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaadka isbaarooyinka dhigtay ayaa lagu soo waramaya in dadka ay qaadaan lacag aad u farabadan ,islamarkaana cabashooyin badan ay ka timid dadka shacabka ah.
Warar Madax banaan ayaa sheegay in ciidanka ururka Ahlusunna ay kusoo bireen dagaal Galmudug ay ku qaaday maleeshiyaadka isbaarooyinka dhigtay.
Ciidanka maamulka Galmudug ayaa dhawaan dagaal ku qaaday isbaarooyin badan oo yaallay duleedka magaalada Gaalkacyo.
kala soco Shabakada Allgalgaduud.com Wixii soo kordha…