TOP DHAGEYSO+XASAASI:- Maamulka Galmudug oo Puntland ku eedeeyay inay jabisay Heshiiskii xabad joojinta

0

Gudoomiye ku xigeenka dhinac siyaasada iyo Amniga ee maamulka Galmudug Cabdi Xuseen Maxamed oo goor dhow la hadlay Saxaafada ayaa ku eedeyay maamulka Puntland in ay jabiyeen heshiiskii shalay ay gaareen odayaasha dhaqanka ee labada dhinac isagoona xusay in maamulka Puntland uusan diyaar u aheyn nabada Gobolka Mudug.

Cabdi Xuseen ayaa sheegay inay Dhankooda qaateen Xabad joojintii la gaaray Balse ay Puntland soo weerartay, Welina halkaas la isku hor fadhiyo.

Mar wax laga weydiiyey Sababta Dagaalada Gaalkacyo u soo noq noqdaan ayuu sheegay in Gaalkacyo ay ka arrimiyaan Labo Maamul oo aan wada shaqeyn laheyn taasi oo uu u sababeeyey Dagaalada.

HALKAAN KA DHAGEYSO