Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa walaac ka muujiyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee laga soo celinaayo Qaar ka mid ah dalalka Yurub.
Safiirka ayaa sheegay in Safaarada Soomaaliya ee Midowga Yurub aysan waxba ka ogeyn raafka lagu hayo dadka Soomaaliyeed , waxaana uu beeniyay warar soo baxayay oo sheegay in saafarada arimahaasi ay wax ka ogtahay.
Waxa uu sheegay in arintaani ay u taallo dowladda Soomaaliya Madaam Safaarado aysan awood u laheyn in ay dalalka Yurub ka codsato in aan la soo celin Qaxootiga Soomaaliyeed.
Hadalka kasoo baxay Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo laga soo celiyay Qaar ka mid ah dalalka Yurub , islamarkaana dadkaasi Qaarkood ay safaarada ku eedeeyeen in ay wax kasoo maleegtay tilaabada lagu soo celiyay.
HALKAAN KA DHAGEYSO