DEG DEG+XASAASI:- Puntland oo sheegtay in Ciidamada dowlada ay ku jiraan Dagaalka Gaalkacyo

0

War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa si adag waxaa ay ugaga hadashay Xiisada dagaal iyo dagaalada goos gooska ah ee maalmahaan ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo duleedkeeda Galbeed kuwaas oo u dhexeeyay Ciidamo ka kala amar qaadanaya Galmudug iyo Puntland.

Puntland waxaa ay sheegtay in dagaalka ay si toos ah ugu lug leeyihiin Ciidanka dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kale Puntland waxay sheegtay inay cadaymo u hayso hub Muqdisho laga soo raray oo ka dagay Cadaado iyo Baraxleey Garoomo macmal ah oo ku yaal.

1