DAAWO MUUQAAL XANUUN BADAN:- Hooyo Soomaaliyeed 60-jir ah & wiilkeeda oo 2 sano darbi-jiif ku ah London

0

Hooyo Soomaaliyeed oo 60 sano jir ah iyo wiilkeeda ayaa mudo labo sano ah darbi-jiif ku ah koonfurta magaalada London ee dalka Ingiriiska. Lama oga sababta ku kaliftay in ay mudo intaas la eg ay bannaanka jiiftaan hooyada iyo wiilkeeda.

Dadka Soomaalida ee ku nool London oo isku dayay in ay weydiiyaan sababta ku kaliftay in ay darbiyada jiiftaan ayeysan ugu jawaabin, iyagoo diiday in ay la hadlaan Soomaalida sida ay sheegeyso mid mid ah dumarka London ku nool.

Dalka Ingiriiska oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 200 kun qof oo Soomaali ah, ayaa laga codsaday in ay kusoo baxaan hooyadaasi iyo wiilkeeda ku dhibaateysan London, waxaaana loogu baaqay inay isu yimaadaan si’ay u caawiyaan reerkan intayna qabaw u dhimanin.

HALKAAN KA DAAWO