Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago Jaamacadda Magaalada Gaarisa.
Booqashada uu Madaxweyne Kenyatta ku tagi doono Magaalada Gaarisa ayaa lagu sheegay in ay fariin u noqoneyso Xarakada Al Shabaab oo inta badan weeraro ka fulisa qeybo ka mid ah Dalkaasi.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa waxuu tilmaamay in Kenya aysan marnaba ka baqi doonin weerarada ay damacsan yihiin Xarakada Al Shabaab.
Waxuu xusay in ay ka hortagi doonaan qorshaha Xarakada Al Shabaab ay ku weerarayaan qeybo ka mid ah Dalkiisa.
Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab ayaa ku hanjabay in ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah Dalkaasi, hadii aysan Ciidamooda Kenyaanka ah aysan ka saarin Dalka Soomaaliya.
Waxaa Al Shabaab sidoo kale ay dhawaan baahiyeen muuqaalka Askari Kenyaan ah oo u afduuban, kaasi oo Dowladda Kenya ka dalbaday in Ciidamada Kenya laga saaro gudaha Soomaaliya.
Dhawaan ayee aheyd markii Weerar lagu Dilay ugu yaraan 6 Ruux oo Kenyaan ahaa ay Al Shabaab ka fuliyeen Magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.