Kenya oo Qaxootiga xoog kusoo celinaysa

0

Qaar ka mid ah hay’adda Gar gaarka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dib u biloowday cadaadis iyo sidoo kale caga jugleynta ay ku hayso qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya.

Xoghayaha hay’adda NCR Jan Egeland ayaa sheegay in dowladda kenya ay jabinayso shuruucda caalamiga ah ee Qaxootiga , islamarkaana ay dib u biloowday hanjabaad ay ku hayso Qaxootiga u badan Soomaalida ee kunool Xeryaha Dhadhaab.

NRC waxa ay sheegtay in ay aad u yartahay suurtagalnimada in ay qaxootigaasi dalkooda ku laabtaan, Sababtuna waxa ay ku sheegtay in Soomaaliya aysan ka helayn nolol wanaagsan, xilli haatan xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya ay ka sii darayso.

Hey’adda UNHCR ayaa sheegtay in qorsha dib u celinta qaxootiga uu yahay mid aan qasab aheyn ,islamarkaana dowladda Kenya iyo Hey’adda UNHCR ay diyaar u yihiin in ay ka wada shaqeeyaan qaxootiga Soomaaliyeed in ay dalkood ku tagaan si nabdoon.

Horay dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in dhibaato weyn ku haysto qaxootiga , islamarkaana aysan diyaar u aheyn in ay tixgaliso shuruucda caalamiga ah ee Qaxootiga.