Magaalada Cadaado waxaa wali ka soconayo Kulamo la isku Mari La’yahay oo udhaxeeya Hogaanka Maamulka Galmudug iyo Waxgaradka Beelaha Daga Deegaanada Waqooyiga Galgaduud.
Ergada kasocota Beelaha Waqooyiga Galgaduud waxay Dalbadeen in laba xubnood laga siiyo Aqalka Sare ee Dowladda Soo socotoo halka Madaxwaynaha Galmudug uu ku adkeystay in Beelaha Waqooyiga Galgaduud ay leeyihiin Hal Xubin oo kaliya.
Hadaba Is faham waaga Taagan iyoo Kulamada wali soconaya waxaa Shabakadda Allgalgaduud Media uga waramay Muuse Cabdullaahi Faarax oo ah Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka loogu magacdaray Galgaduud Sare kana mid ah Xubnaha kasocda Shacabka Beelaha Waqooyiga
Galgaduud.