Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda Galmudug Maxamuud Guure Guuleed ayaa Faah-faahin ka bixiyay Dagaalkii Shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in Dagaalkii dhexmaray Galmudug iyo Puntland uu Sababay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah,waxaana uu Maamulka Puntland ku Eedeeyay in ay Dagaalka soo qaadeen.
“Puntland waxaa ay tiri Al-shabaab ayaan Gaalkacyo kula Dagaalanay,Al-shabaab iyo Galmudug waxaa ka dhaxeeya Dagaal,Galmudug iyo Puntlandna wey is yaqaannaan oo hadda ma dhalan Galmudug”ayuu yiri Guure Guuleed.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran:-