Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Dalka Nigeria

0

Dowladda gobolka Kaduna ee dalka Nigeria ayaa waxa ay mamnuucay ururka Shiicada Nigeria ugu ballaaran.

Warqoraal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka ayaa go’aankaasi lagu xusay.

Maamulka waxa uu tilmaamay in go’aanka uu ku saleysan yahay dhowridda amniga iyo in la xaqiijiyo in dastuurka dalka loo hogaansamo.

Bishii December ee sanadkii tagay, waxaa jiray isku dhacyo dhexmaray kooxda Shiicada ah iyo ciidamada Nigeria oo ka dhacay magaalada Zaria ee gobolka Kaduna.

Hogaamiyihii ururka, Sheekh Ibrahim Zakzaky, ayaa la xiray, kaas oo illaa iyo hadda aan la keenin maxkamad oo aanan lagu oogin wax dacwad ah.

nigeria