TOP DHAGEYSO:- War cusub oo ka soo yeeray Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland“Kama qeyb galeyno Doorashada 2016-ka”

0

Siyaasiyiinta ku jirta Dowladda Soomaaliya ee ka soo jeeda Deegaanada Maamulka Soomaaliland iyo waxgaradka ayaa sheegay in aysan ka qeyb galaynin Doorashooyinka lagu wado in Soomaaliya ay dhowaan ka dhacaan.

Suldaan Saciid oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda Soomaaliland oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn in ay qeyb galaan Doorashada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay siyaasiyiinta iyo sidoo kale waxgaradka Soomaaliland kasoo jeeda ee la shaqeeya Dowladda Soomaaliya in aan laga qeyb gelin go’aanadii ka soo baxay shirarkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka dhacayay.

HALKAAN KA DHAGEYSO